Dhageyso:-Maamulka Kalsan Tv oo faah faahiyay qarax lagu dilay Wariye ka tirsanaa Tv–gaas

Agaasime Tv-ga Kalsan ee uu ka howlgalayay Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow oo Galabta Gaari uu watay qarax loogu xiray uu ugu geeriyooday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kadib markii uu la qarxay.

Agaasime Axmed Xasan Carab oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Wariyaha Gaariga uu watay uusan aheyn mid uu isaga lahaa balse uu ka soo qaatay Saaxiibkiis isla markaana aysan jirin cid ay ku tuhmayaan falkaas.

Waxa uu sheegay in xiligii falka uu dhacayay ay Gaariga la saarnaayeen Caruur yaryar balse aysan waxba gaarin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Allaha u Naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow uu tv-ga Kalsan wax badan u qaban jiray isla markaana uu ka howlgalyay mudo 4 Bilood ah,isaga oo horay u diiday in meelo kale uu ka shaqeeyo maadaama aan saaxiibo aheyn ayuu yiri Agaasime Axmed.

Ugu dmbeyn wxa uu sheegay in Wariyaha uu ifka kaga tegay Hal Gabar oo uu dhalay haatana uusan laheyn wax xaas ah.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Agaasimaha Tv-ga Kalsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media