Dhageyso:-Maamulka Jubbland oo ka shiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Kulankii ugu horeeyay ee Golaha Amniga Jubbaland ayaa lagu qabtay Magaalada Kismaayo kaas oo inta badan looga hadlayay amniga deegaanada Maamulka Jubbaland iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) waxaana inta badan diirada lagu saarayay amniga iyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Gobolada Jubbooyinka.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Axmed Cabdiraxman ayaa Warabahinta faah faahin guud ka siiyay qodobadii ugu muhiimsanaa e shirkaasi ka soo baxay.

Hoos Ka Dhgeyso Codka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media