Dhageyso:-Maamulka Jubbaland oo dhaliil u jeediyay Hay’adaha ka howlgalla deegaanadooda

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Wadashaqeyn la’aan ay ka tirsanayaan Hay’adaha ka howlgalla deegaanada Maamulka Jubbaland xili ay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay ka socdaan kulamo u dhaxeeya madaxda Jubbaland iyo kuwa Hay’addaha.

Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Gooni ayaa sheegay in Hay’addaha ay ka tirsanayaan wadashaqeyn la’aan dhexdooda ah islamarkaana cabashooyin badan oo ka imaanaya dhanka Shacabka ay ka soo gaarayaan dhankooda.

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas ku daray in xiriir xumada kala dhaxeysa Jubbaland Hay’adaha ay keentay in ay ku soo aruuraan Magaaalada Kismaayo taas oo keentay in Shaqooyinkoodii looga baahnaa in ay Shacabka u qabtaan ay hal meel ka wada dhigteen.

Hoos Ka Dhageyso Codka gudoomiyaha Gobolka Gedo

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media