Dhageyso:-Maamulka Jubbaland oo Ammar ku soo rogay Gaadiidleyda ka howlgalla M/Kismaayo

Wasaaradda Gaadiidka  Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kulan la qaadatay  gaadiidleyda Magaalada kismaaayo si loo dhaqangeliyo amarkii ay soo rogtey Wasaaradda gaadiidka ee ay ku mamnuucdey gadiidka BL-ka ah  ee dhinaca bidixda ku leh Al-Baabka.

Inta badan gaadiidka dadweyanaha ee loo yaqaano  BL-ka ku waaso ka howlgala   gudaha magaalada Kismaayo ayaa dhinaca bidixda ku leh al-baabka taasi oo ay ka dhalatey  in waxyeelo  gaarto dadweynaha isticmaala gaadiidka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in jubbaland Go’aankaas ay soo saartay bartamahii bishii labaad ee aan soo dhaafnay laakin taasi aysan dhaqan gelin.

Waxa uu sheegay in mudada la cayimey waxii ka danbeeya ay bilaaban doonaan howlgallo lagu soo qabqabanayo gaadiidka u hogaansami waaya  awaamiirta Wasaaradda Gaadiidka  Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hoos ka Dhageyso Codka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media