Dhageyso:-Maamulka Jubbaland oo amar ku soo rogay Darawalada Gaadiidka

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbland Suldaan Cabduqaadir Lugadheere ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in deegaanada Jubbaland uu ka Shaqeeyo Gaadiid aan shariceysneyn.

Waxa uu sheegay in qof walba laga doonayo in uu wato shariciga cadeynaya lahaanshaha Gaarigiisa cidii aan wadanine aan loo ogolaan doonin ay ay ka Shaqeyso deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Darawalada laga doonayo in ay goostaan leesinka Darawalnimo isla markaana ay bixiyaan Canshuurta Saddex Biloodlaha ah.

Dhammaan laamaha amniga ayuu faray in wixii ka dambeeya Maalinta Berito ah oo Sabti ah kuna beegan 6/1/2017 in ay Dhaqan geliyaan amarkaas cidii jebisaana ay tallaabo ka qaadaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media