Dhageyso:-Maamulka Jubaland” Howlgalka AMISOM ayaa masuulka ah in ay awood yeeshaan Al-Shabaab”

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo ka hadlayey weerarada mararka qaar ay geystaan Al-Shabaab ayaa dowladaha taageera dowladda ku eedeeyey in ay ka gaabiyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in awooda ay Al-Shabaab weerarada ku geystaan ay keentay abaabul xumo dhinaca dagaalka ah,taasina ay sababtay in Al-Shabaab ay awoodooda xoogeysato.

“Runtii waxa nasiibdaro ah in Baardheere oo aan qabanay 4 Sanno ka hor in howlgalkaas siiwadi taankiisii laga gaabiyey,deegaanada hoostagana ay Al-Shabaab maamulaan,dhaliishaas waxaa iska leh dowladda federaalka iyo dowladaha ka caawiya howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ayuu yiri mudane Kaliil.

Maamulka gobolka Gedo ayaa horay u sheegay in degaanada Gobolkaas ay ku soo qul quleen Al-Shabaabkii ugu badnaa,isla markaana ay ka soo weerar tagaan.

Hoos Ka Codka Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor