Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle oo soo saarey Digniin ku socota Ganacsatada lacagaha siiya Al-Shabaab

Kadib kulan looga hadlayay Amniga gobolka Hiiraan oo lagu qabtay Baladweyne ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ku saabsan amniga,iyada oo digniin loogu diray Ganacsatada Gobolka Hiiraan oo Maamulku ku eedeeyeen in ay lacago siiyaan Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka amniga Maamulka gobolka Hiiraan  C/raxiin Muxumed Taakooy ayaa sheegay in amniga Gobolka Hiiraan ay masuuliyad ka saaran tahay,isla markaana aysan aqbaleyn in ganacsatadu ay lacago siiyaan Al-Shabaab.

“Shabaab waa cadawga gobolka Hiiraan waayo dadka reer hiiraan ayey go’doomiyeen oo ay cunaqabateyn ku sameeyeen,sidaas darteed cidkasta oo shacabka ku dhexjirta hadana isku dayeysa in ay kobacdo dhaqaalaha Al-Shabaab lagama aqbalyo gaar ahaan gaadiidleyda u baxa dhanka Waqooyi,cid allaala cidii lagu arkaana in tallaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan.

Tiro ka dhowr jeer ayaa masuuliyiintii soo martay Maamulka gobolka Hiiraan waxa ay soo saareen digniin ku socota Ganacsatada taas oo ay uga digayeen in aysan lacago siin Al-Shabaab balse taasi aan dhaqan gelin balse lama oga waxa ay ka bedeli doonto digniintaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka amniga Maamulka gobolka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor