Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle oo sheegay in jawaab ka bixinayaan weerarkii lagu dilay Xildhibaanada

Kadib weerarkii shalay gelinkii dambe lagu dilay laba Xildhibaan oo ka tirsan Hir-Shabeelle iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle ee G/Shabeellaha Dhexe ayaa Maamulka hir-Shabeelle uu shegay in dilkaas jawaab ka bixinayaan.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in maalin walba dad nagala dilo,isla markaan aay ka tacsidayeen kaliya laakin loo baahan yahay ficil.

Waxa uu sheegay Cali Guudleewe in maamulka Hir-Shabeelle oo jawaab cad ka bixin doono weerarka lagu dilay Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale,isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa Hir-Shabeelle ay diyraasan yihiin.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa ah mid amnigeeda uu sii xumaanayo,iyada oo horay ay uga dhaceen weeraro lagu dilay Saraakiil iyo ciidamo farabadan,waxaana weeraradaas sheegtay Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor