Dhageyso:- Maamulka Hir-Shabeelle oo sheegay in ay ka hortagayaan Caruurta loo adeegsado dagaalada

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay inaysan ogaalan doonin in Caruurta Soomaaliyeed xiligaan la askareeyo islamarkaana loo adeegsado dagaalada sokeeye ee dalka ka dhacaya.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee maamulka gobolka hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan cali ayaa sheegay in ay jiraan caruur la askareeyay loona adeegsado dagaalada taasina aysan ogoleyn Qawaaniinta Caalamiga ah iyagana ay si weyn uga soo horjeedaan.

Waxa uu sheegay in Maamulka hir-Shabeelle uu ka hortagayo dhibaatada lagu hayo caruurta Soomaaliyeed islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay ku tartar siyaan dhanka Waxbarashada.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caruurtarta Afrika oo lagu qabtay magaalada Baladweyne.

Hoos ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media