Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay howlgal ay fuliyeen Ciidamada Danab

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd kadib markii Ciidmo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwo Cadaan ah ay weeraraeen Saldhig ay Al-Shabaab ku tababarayeen Dhalinyaro doonayay in ay ka mid noqdaan oo ku yaalla deegaanka Jiliyaale ee duleedka Jowhar,waxana howlgalkaas faah faahisay Wasaaradda amniga Maamulka Hir-Shbeelle.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan jeele ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay Macalinkii Dhalinyaradaas tababarayay halka 6 ka tirsan Ciidamada Shabaab ay ku geeryoodeen isla markaana uu jiro dhaawac soo gaaray Caruurta ay Al-Shabaab tababarayeen sid uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeele ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay howlgallo maalmihii la soo dhaafay ka socday Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar kaas oo dhowr mar ay weeraro jidgal ah ka sameeyeen Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in amniga uu yahay mid wanaasgan,isla markaana howlgalladu ay yihiin kuwo socdo siian socon doona.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media