Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay dagaal beleedyada ka socda G/Hiiraan

Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan dagaaladaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sheekh Cismaan Bare Maxamed oo Maanta Warbaahinta kula hadlayay Magaaalda Jowhar ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dagaal beeleedyada ka socda qeybo ka mid ah Gobolka hiiran oo ay waxyeelada ka soo gaareysa Shacabka Soomaaliyeed ee lagu dul dagaalamayo.

Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay u direen Wasiiro ka tirsan Maamula hir-Shabeelle islamarkaana ay wadaan waan waan ku aadan sidii dagaaladaas xal looga gaari lahaa.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media