Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle oo fariin u diray madaxda Dowladda iyo Hay’adaha Gargaarka

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaalad biyo la’aaneyd ay xiligaan ka taagan tahay deegaano farabadan oo ka tirsan Maamulkaas.

Waxa uu sheegay in dhibaatada Biyo la’aaneyd ay gebi ahaanba saameysay tuuloyin farabadan oo hoostaga Magaalada Jowhar oo ay qaarkood iminka ka bilaabeen biyo dhaamin.

Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’ddaha Gargaarka bixiya ayuu ugu baaqay in dadkaasi ay u soo gurmadaan si looga hortago in ay dad u geeriyoodaan Biyo la’aan.

Wabiga Shabeelle ee Mara Gobolada Shabeellooyinka iyo Hiiraan ayaa haatan ah mid faaruq ah taas oo saameysay badi dadka danta yar ee ku nool Goboladaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media