Dhageyso:-Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo sheegay in 9 Ruux lagu dilay Gobolkaas

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in diyaaradaha dalk mareykanka iyo ciidamo wehlinaya ay duqeeyay Goob ay ku sugnaayen dad Shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Cali Nuur Maxamed oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose ee dhinaca amniga,aya sheegay in duqeyntas lagu dilay 9 Qof oo isugu jir Caruur iyo dad waaweyn.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in duqeyntas ay si qalad ah ku dhacday islamarkaana Saraaakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Bariire an lala socodsiin duqeyntaas./

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhamestiran

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media