Dhageyso:-Maamulka gobolka Hiiraan oo u digay Milkiilayaasha Gaadiidka

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa ugu baaqay dadka leh Gaadiidka ka baxa Gobolka Hiiraan in ay Koontoroolaan waxyaabaha la saarayo Gaarigooda kadib markii dhawaan Gaari ka baxay Magaalada Baladweyne kaas oo lagu qabtay Boosaaso isagoo ay ka buuxan waxyaabaha qarxa.

Waxa uu sheegay in  Ganacsatada Gobolka hiiraan iyo Milkiilayasha la doonayo In ay ka fikiraan cida ay masuulka uga dhigayaan Gaarigooda,balse looga baahan yahay in dadkaas ay ilgaar ah isaga eegaan si aan waxyaabaha qarxa loogu dhex qarin.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay kuwa Gawaarida Kireeya ee loo yaqaano(Dalaaleyda)iyana dhankooda hadii Magaalada Baladweyne Gaari ka baxay ama soo galay lagu arko waxyaabaha qarxa ay masuul ka yihiin islamarkaana aan u qaadaneyno in ay wax ka ogaayeen.

Hadalka Cali Jeyte Cismaan ayaa ku soo aadaya xili Milkiilihii lahaa Gaarigii dhawaan qaraxa lagu qabtay ee Magaalada Boosaaso uu sheegay in uusan wax ka ogeen qaraxa Gaarigiisa la saaray.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media