Dhageyso:-Maamulka Gobolka Hiiraan oo qabtay Rag ka tirsan Shabaab

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa Shabaab deegaano ku dhow dhow deegaanka Ceel-Gaal ee gobolka Hiiraan kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Masuuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu yimid kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM  ay sameeyeen howlgal ay qaarkood ku soo qabteen rag ka tirsan Shabaab.

Afhayeenka Maamulka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in dagaal kooban uu halkaasi ka dhacay kaas oo ay ku dileen Saddex ka mid ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay Gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah rag ka tirsan Shabaab oo ku dhuumaleysanyay uleedka Bari ee deegaanka Ceel-Gaal gobolka Hiiraan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media