Dhageyso:-Maamulka Gobolka Hiiraan oo amar ku soo rogay Shacabka Gobolkaas

Cali Jeyte Cismaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa soo saaray amar ku socda Shacabka ku nool Gobolkaas kaas oo ku saabsan in Geedka loo yaqaano (Geed Yahuud) dadka qaarkiisna u yaqaanaan ( Cali Garoobka) qof walba uu hoygiisa ka jaro.

Gudoomiyaha ayaa si gaar ah ugu dalbaday dadka leh dhulalka banaan ee ku yaalo Duleedka Magaalada Baladweyne in ay si deg deg ah ay uga Jaraan Geedkaasi Madaama sida uu sheegey uu Gabaad u noqday Kooxaha dhibaateeya shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in cid alaala cidii amarka uu soo saaray Maamulka Gobolka Hiiraan fulin weysa uu tallaabo shric ah ka qaadi doono isla markaana u aqoonsan doonaan in ay u Shaqeeyaan Cadawga sida uu sheegay Gudoomiye Jeyte.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Jeyte.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media