Dhageyso:-Maamulka Gobolka Bari oo Ganacsatada ku amray Qaadashada lacagta Shilinka Soomaaliga

Maalmihii u dambeeyay waxaa qeybo ka mid ah gobolka Bari Puntland ka taagnaa xiisad ka dhalatay diidmada lacagta Kunka Shilinka Soomaliga ah taas oo ay diideen Ganacsatada qaarkood.

Waxaana jiray dibadbaxyo rabshado watay oo ay dhigayeen qaar ka mid ah Bulshada ku nool gobolka Bari gaar ahaan Magaalada Boosaaso waxana taasi ay sababtay in mudo dhowr Maalmood ah ay xirnaadaan Goobihii Ganacsi ee Magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys dhedo,oo kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Bari ayaa sheegay in uu ku amrayo Ganacsatada in ay qaataan lacagta duugta ah ee Shilinka Soomaliga,islamarkaana ay isku raaceen Madaxda Sare ee Bangiga Puntland.

Marka laga soo tago hadalka Gudoomiyaha Gobolka Bari waxaa sidoo kale mid la mid ah ay waayadaan ka jirtay qaar ka mid ah Gobolada Koonfureed ee dalka,waxana xalinta arintaas inta badan ku guuleestay in ay xaliyaan  Masuuliyiinta maamulada degmooyinkaas kadib kulamo dhex maray iyaga iyo Ganacsatada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Bari

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media