Dhageyso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray Amar Cusub oo ku socda…

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saarey awaamiir ku socota Shacabka ku nool gobolkaan Banaadir taas oo ku aadan Maalmaha xorriyada iyo sidii dib loogu soo celin lahaa bilicdii Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Ammarkaan ka soo baxay Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyey Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar.

1:- In guryaha iyo goobaha Ganacsi ee ka soo horjeeda laamiyada in la qurxiyo lana rinjiyeeyo.

2:- In lagu xiro Calamadaha Qaranka oo muuqda

3:- In lagu xiro Nalal inta lagu guda jiro Maalmaha Xurrriyadda

4:- Dhammaan boorarka ku xiran goobaha Ganacsiga in ay shidnaadaan inta lagu guda jiro Maalmaha Xurrriyadda.

Taliska qeybta guud ee Gobolka Banaadir,guddoomiyayasha degmooyinka gobolka Banaadir,taliska ciidamada ilaalada deegaanka Xamar iyo guddiga qaban qaabada munaasabada Xurriyada ayaa waxa la farayaa in ay kormeeraan habsami u socodka howlaha kor ku xisan.

Maalmaha todobaadka xurriyada oo kala ah 26-ka iyo 1-da Luulyo ayaa waxaa inta badan xuska Maalmaahas lagu qabtaaa Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar.