Dhageyso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in dib loo furi doono Goobaha Muhiimka ah ee Muqdisho

Thaabit Cabdi Maxamed gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xalay dib u furay islamarkaana xariga ka jaray Taalada Axmed Gurey oo Dayactir lagu sameeyay.

Gudoomiye Thaabit ayaa sheegay in taaladaan ay tahay mid taariikhi ah islamrkaana ka qeyb qaadaneysa bilicda Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay gudoomiye Thaabit in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in uu dib u furo Goobaha muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho.

 

Hoos Ka Dhgeyso Codka Gudoomiyaha Gobolka