Dhageyso:-Maamulka G/Hiiraan oo shaaciyay in xal laga gaaray murankii ka dhashay lacagihii been abuurka ahaa

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin Guud ka bixiyay xiisadii ku aadaneed diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga taas oo horay uga jirtay Gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo Wareysi siiyay Radio Dalsan xarunta Muqdisho ayaa sheegay in xiisadaas haatan xal buuxa laga gaara islamarkaana buuqii iyo banaanbaxyadii  ka jiray Baladweyne la xaliyay

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in lacagtii hore oo ay dadka Ganacsatada ah diidanaayeen gebi ahaanba la joojiyay islamarkaana hada dadku ay sicaadi ah u isticmaalaayaan lacag kaga timid dhinaca dowladda Soomaaliya.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Maamulka gobolka Hiiraan uu garwaaqsaday in aysan wanaagsaneyn in Ganacsatada uu ku qasbo isticmaalka lacagta ay diidanaayeen islamarkaana taasi ay dhalineysay fowdo ka dhacda Magaalada Baladweyne.

Degmooyin farabadan oo dalka ah ayaa waxaa weli ka taagan diidamada qeyb ka mid ah lacagta Shilinka Soomaaliga ee lagu soo sameeyay deegaanada Maamulka Puntland,waxana taasi ay dhalisay in ay dhacaan dibadbaxyo rabshado wata.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media