Dhageyso:-Maamulka G/Hiiraan oo digniin ka soo saaray diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ku aaddan sababta keentay diidmada Lacagta Shilin Soomaaliya ee Magaalada Baladweyne.

Sheekh Xuseen Cusmaan ayaa intaa raaciyay iney wadaan daba-gal iyo xog uruurin ku aaddan sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha sababey iney ganacsatadu diidaan Lacagta Shilin Soomaaliga oo ay haatan ka shaqayso Kunka shilin oo keliya.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay iney arrintani ka dambeeyaan qaar ka mid ah Ganacsatada Baladweyne, wxuuna ugu baaqay iney bulshada dan yarta ah ka qaadaan cunaqabataynta ay saareen haddii kale lala xisaabtami doono.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyne iyo degaannada ku xeeran ayaa in dhowaalaba ka cabanayay dhibaatooyin la xiriira diidista Lacagta Shilin Soomaaliga,waxanay sheegeen qaar ka mid ah Dadka halkaasi ku nool iney dareemeen ciriiri xagga quutul daruuriga maaddaama aysan jirin wax ay wax ku iibsadaan marka laga reebo isticmaalka Doollarka (EVC PLUS)  oo aan la wada awoodin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Xuseen Cisman Cali

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media