Dhageyso:-Maamulka G/Banaadir oo xal ka gaaray Banaanbax rabshado watay oo ka dhacay Muqdisho+Sawirro

Boqolaal qof ayaa maanta banaanbaxyo rabshada wata oo ay kula wareegeen mid ka mid ah gaadiidka ciidamada Amisom ka sameeyey jidadka magaalada Muqdisho.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa u badbaa dhallinyarada ku shaqeysata mootooyinka saddex lugooleyda ah ee loo yaqaan Bajaajta.

Dhallinyaradan ayaa ka cabanaya canshuur laga qaado iyo falal ay kula kacaan ciidamada xilli ay dhibaato ku qabaan waqooyinka magaalada ee xirxiran.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed,oo Fagaaro kula hadlayay Boqolaalka banaanbaxyaasha ah ayaa sheegay in darawalada Mooto Bajaajka looga baahan yahay in ay iska diiwngeliyaan qof walba degmadiisa.

Waxa uu sheegay in qof walba oo Muwaadin ah oo Shaqeysanaya aanan loo diidi karin in ay wadooyinkaas isticmalaan balse ay muhiim tahay in ay amniga qeyb ka noqdaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawiirada

 

Codka Thaabit

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media