Dhageyso:-Maamulka Galmudug oo bilaabaya diiwaangelinta Shaqaale u shaqeeya Hey’addaha Maamulkaas

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay bilabi doonaan qorsho lagu Shaqaaleysiinayo dhalinyarada ku nool deegaanada Galmudug,kuwaas oo laga qaadi doono Imtixaan ku saabsan aqoontooda.

Wasiirka Warfafinta dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Masaga-waa) o Warabahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka doonaya in ay ka Shaqeeyaan Hay’addaha kala duwan ee Maamulka Galmudug laga qaadi doono imtxaan.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xili dhawan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu sheegay in Maamul goboleedyada dalka ka jira laga Shaqaaleysiin doono dhalinyarada ku nool deegaanada.

Hoos Ka Dhageyso  Codka Wasiirka

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media