Dhageyso:-Maamulka Galmudug oo baaq u diray Shirkadaha ka howlgal deegaanadooda

Wasiir ku xigenka Wasaarada howlaha guud ee Maamulka Galmudug Mudane Axmed Ilkacase,ayaa sheegay in deegaanada Maamulka Galmudug ay dhawaan ka bilaaban doonaan maashaariic kala duwan oo dhinaca horumarka degaanada kala duwan ee Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay jiraan hay’addo kala duwan oo balan qaaday in ay dhisayaan Xarumaha uu ku Shaqeyn lahaa maamulka Galmudug islamarkaana maamulka Galmudug ay fasixi doonaan Mashaariicda lagu dhisi lahaa Xarumaha maamulka Galmudug.

Waxa uu ugu baaqay shirkadaha in ay u diyaar garoobaan dhismooyin iyo Mashaariic kala duwan oo looga baahan yahay in ayka fuliyaan deegaanada maamulka Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Codka