Dhageyso:-Maamulka G/Hiiraan oo digniin u diray dadka u dacwad doonta Maxkamadaha Al-Shabaab

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe ayaa digniin u diray dad uu sheegay in ay u dacwo doontaan Maxkamadaha Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanada ay ka maamulaan Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in cidkasta oo ay ogaadaan in ay u dacwo doontaan deegaanada Al-Shabaab ama u safra in aysan ku soo laaban doonin Magaalada Baladweyne isla markaana Maamulku uu tallaabo ka qaadi doono.

Waxa uu sigaar ah u soo qaatay Afhayeenka deegaanada Quracleey iyo Booco oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in cid allaala iyo cidii dacwad u gudbisa Shabaab iyo cida ay ka dacwooto xagaf yar ama dhibaato soo gaarta iyada lagula xisaabtami doonto hantideedana lala wareegi doono.

Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu Baladweyne ka soo diray Wariyaheena Axmed Dirir Nuur.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media