Dhageyso:-Maamulka G/Banaadir oo Caawimaad u fidiyay 7 Jir ku xanuunsanaya Muqdisho+Sawirro

Maxamed Cumer Maxamed waa 7-jir ku dhashay Xanuun kaga dhacay Wadnaha,Qoyskiisa ayaana la tacaalayay Mudo sanado ah balse,gudaha dalka waxba waa looga qaban waayay xanuunka wadnaha ka haya wiilkaasi.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Arbacdii maanta booqday Hoyga ay degmada Boondheere ka dagan yihiim Qoyskaas.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaana suxufiyiinta u sheegay in ay diyaariyeen Qorsho Dalka dibadiisa loogu qaadayo Maxamed Cumer Maxamed lana socon doonaa Xaaladiisa Caafimaad.

Cumer Maxamed Waa Aabaha Maxamed Cumer oo hadda loo qaadayo Dalka Turkiga si loogu soo daweeyo waxa uu ka mahadceliyay Taageerada uu u fidiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xubnihii ku sugnaa goobta uu Maamulka Gobolka ku bixinayay Samafalkaas ayaa dadka Soomaalida ku booriyay in ay Iscaawiyaan oo kan liida ay garab qabtaan waxaana gaba gabadiina ay Alle uga baryeen in uu bogsiiyo Canugaasi yare e wadnaha ka xanuunsanaya.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Maanta kana Daawo Sawirrada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media