Dhageyso:-Maamulka degmada Qoryooleey oo baaraya Rag ay u qabteen ka mid ahaanshaha Al-Shabaab

Ciidamada Maamulka degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen rag lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab

Howlgalka ayaa la sheegay in uu yahay mid lagu bartilmaameedsanayo rag ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan gudaha degmada iyo deegaanada hoos yimaada kuwaasi oo la sheegay in qaarkood gacanta lagu soo dhigay.

Gudoomiye  xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka degmada Qoryooley Cabdi Axmed Cali oo wareysi siiyey Radio Dalsan Warqabadka Sh/hoose ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey howlgalada iyo deegaanada ay ka sameeyeen & hadda xaalka sida uu yahay iyo qorshaha ay ka damacsan yihiin howlgalka iminka ka socda degmada Qoryooleey ee G/Sh/Hoose.

Ugu Danbeyn Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka degmada Qoryooley Cabdi Axmed Cali ayaa sheegay in Howgalada ay ka socon doonaan Gudaha degmada iyo Deegaanada Hoos yimaada ilaa meesha looga saaro rag ka tirsan  Al_Shabaab  ama Gacanta lagu soo dhigo.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta uu Afgooye ka soo diray Wariyaheena Maxamed Cusmaan Ma’da

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media