Dhageyso:-Maamulka degmada Buulo Burde oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Guddoomiyaha Degmada Buulo barde ee Gobolka Hiiraan Cabdi Daahir karaare oo la hadlay Warbaahinta dowladd  ayaa sheegay in ay Sanadkaan diyaariyeen Al shabaab ee ku harsan tuulooyinka hoos yimaada Degmadaasi.

Cabdi Daahir Karaare Guddoomiyaha Degmada Buulo barde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay iminka wanaagsan tahay Xaaladda Amni ee Degmada ayna ka howlgalaan Ciidamo Booliis ah oo loogu talo galay Sugitaanka Amniga Degmada.

Degmada Buulo barde ee Gobolka Hiiraan ayaa ka mid aheyd deegaanadii Al shabaab ku dhibaatayn jireen Shacabka Soomaaliyeed hase yeeshee Ciisamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala wareegeen waxaana Hada dib usoo laabtay Goobihii Bulshada loogu qaban jiray adeegyada Aas asiga ah.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media