Dhageyso:-Maamulka degmada Balcad”Saddex Askari ayaan uga dilnay Al-Shabaab dagaalkii Maanta”

Gelinii dambe ee Maanta ayaa waxaa dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab uu ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellah Dhexe.

Dagaalka ayaa sigaar ah wax auu uga dhacay deegaanada Ceelka Geeloow iyo Qalimoow,waxana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sida uu sheegay Maamulka degmada Balcad.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka degmada Balcad Abuukar Aadan Codey oo Caawa Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in Al-Shabaabkii weerarka ku soo qaaday ciidamada dowladda ay iska difaacen isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Waxa uu sheegay in ay Al-Shabaab dagaalkii Galabta uga dileen ilaa Saddex Askari kuwo kalena ay ka dhaawaceen sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa la weeydiiyay su’aal aheyd waxaa soo baxayay Warar sheegayay in Barta Koontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda ay Al-Shabaab la wareegeen ayaa wax uu sheegay in warkaas aan waxba ka jirin.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa iyana dhankooda Warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay sheegeen in dagaalkii Galabta ay ku dileen ilaa Saddex Askari oo ka mid ah ciidamada dowladda Hubna ay ku furteen.

Hoos Ka Dhageyso Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Balcad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media