Dhageyso:-Maamulka D/Kaxda oo u digay kooxo dhibaatooyin ku haya dadka barakacayaasha ah

Maamulka degmada Kaxda ayaa u digay dad  ay sheeegn in mararka qaar ay dhibaato u geystaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool Gudaha degmadaasi Kaxda.

Gudoomiyaha Maamulka degmada Kaxda Maxamed ismaaciil oo ka hadlayay goob lagu soo bandhigay laba Nin oo la sheegay in karar been abuur ah dad Barakacayal ah ay lacag uga qaateen ayaa digniin u diray dad kale uu sheegay in falal kale ku howlan yihiin.

Waxa uu sheegay in cidkasta oo arrimahaan oo kale iyo waliba waxyaabo lidi ku ah amniga lagu tuhmo Gacanta lagu soo dhigi doono,isla markaana tallaabo Sharci ah laga qaadi doono.

Sidoo kale wax uu hadalkiisa intaas ku daray in dadka doonaya in ay Shacabka dhibaateeyaan ama u fududeeyaan ay mar uun Gacanta dowladda soo geli doonaan markaasna tallaabo cad laga qaadi doono.

Hadalka gudoomiyaha ayaa ku soo aadaya xili shalay ay degmada Kaxda ku soo bandhigeen laba rag ah oo ay sheegeen in ay sameysteen kaarar Been abuur ah kuwaas oo lacag looga qaatay dad barakacayaal ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Maamulka degmada   Kaxda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media