Dhageyso:-Maamulka D/Dayniile oo digniino ka soo saaray kiraynta guryaha

Warka soo baxay Maamulka degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray ammaro ku socda qaar ka mid ah Milkiilayaasha leh Guryaha la kireynayo eek u yaalla degmadaas.

Guddoomiyaha degmada deeyniile Cabduweli Nuur Faarax ayaa sheegay in degmada deeyniile Xaafadaheeda kala duwan maalmahaan ay ku soo bateen dad ka soo guuraya xaafadaha kale ee Magaalada kuwaas oo guryo ka kireysanaya Gudaha degmada Deeyniile.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ay jiraan dadka guryaha leh ay guryahooda ka kireeyaan dad aysan aqoon u laheyn,isla markaana taasi ay keentay howgal ay sameeyeen in laga soo qabto dad lidi ku ahaa amniga.

Waxa uu ugu baaqay Shacabka ku nool degmada deeyniile sigaar ah Milkiilayaasha Guryaha in cid allaala iyo cida ay Guryahooda ka kireynayaan ay ku soo wargelayaan laamaha amniga degmada deeyniile.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha degmada Deeyniile.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media