Dhageyso:-“Maamulka Baraawe”waxaan dilnay 14 Shabaab ah waxana Xabsiga ka sii deynay 50 qof oo u xirnaa

Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay weerar dhinaca Cirka ah oo xalay Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah ay ka fuliyeen deegaanka Kuunya-Baroow ee Gobolkaasi Shabeellaha hoose.

Weerarkaan oo dhacay xalay Saqdii dhexe ayaa lala bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku la haayeen deegaanka Kuunya-Baroow sida uu Radio Dalsan u sheegay Gudoomiyaha degmada Baroowe Xuseen Bare Maxamed(Jeex)

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa faah faahin guud ka bixiyaya khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo  qaabka uu ku bilaawday waxa uuna yiri.

“lix Diyaaradood oo ka kacay Baraawe ayaa weraray fariisinkii Al-Shabaab ee Kuunya-Baroow waxana la socday ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwo Mareykan Cadaan ah dagaal kooban kadib Ciidamadu waxa ay dileen ilaa 14 shabaab ah waxa ayna Xabsiga ka sii daayeen 50 ruux oo Sisharcidaro ah ay ugu heesten Xabsi ku yaala Kuunya-Baroow ayuu yiri gudoomiye Xuseen jeex.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in mudo Saacado ah ay Gacanta ku hayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ah ee la socday deegaanka Kuunya-Baroow basle markii dambe ay sinabad ah uga soo baxeen.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Baraawe

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media