Dhageyso:-Maamulka Balanbale”Majiraan Hay’ad iyo Maamul Caawiya Shacabka degmada”

Maamulka degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ayaa faah faahiyay xaaladaha nololeed ee ka jira degamdaas iyo baahiyaha ay qabaan Shacabka degamadaas.

Gudoomiyaha degmada Balanbale Jaamac Xeyle oo la soo xiriiray Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in haatan degmada uu ka curtay Roobkii deyrta isl markaana ay jiraan dad barakacayal ah oo Geedaha hoostooda jiifa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin Hay’addo gaar ah oo ka howlgalla degmadaas isla markaan dadka caawiya.

Ugu dambeyn waxa uu ugu abaqay Maamulka Galmudug iyo Hay’addaha Caalamiga ah in dadka ku nool tuulooyinka hoostaga degamda Balanbale ee dantayar ay soo caawiyaan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media