Dhageyso:-Maamulada Soomaaliland iyo Khaatuma oo heshiis kala saxiixday

Waxaa Maanta Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland heshiis ku kala saxiixday Masuuliyiin ka kala socotay Maamulada Khaatuma iyo waliba Soomaaliland kadib shir mudo u socday.

Kulanka heshiis lagu kala saxiixday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyin ka kala socotay labada dhinac ee Soomaaliland iyo Khaatuma,iyada oo lagu heshiiyay 10, Qodob oo meesha ka saari karta dagaalo markale dhexmara labada dhinac.

Heshiiska ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Soomaaliland Sacad Cali Shire iyo Kayse Cabdi Yuusuf oo ka socdey Maamulka Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Soomaaliland Sacad Cali Shire  iyo Kayse Cabdi Yuusuf oo ka socdey Maamulka Khaatumo ayaa Warbaahinta siwadajir ah ula hadlay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media