Dhageyso:-Lix ka mid ah Qoyska Reer Xaaji Gaaboow oo la xaqiijiyay in yihiin Dadkii ku Geeriyooday Weerarkii Calamada

Warar soo  gaaray Warqabadka Radio Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegaya in Gawaari ay la socdeen dad rayid ah  lagu rasaaseeyay deegaanka Calamada oo u dhaxeeya Ceelasha Biyaha iyo Siinkadheer ee duleedka Magaalaa muqdisho.

Gawaarida la rasaaseeyay ayaa waday Meydka qof Eheladooda ah oo geeriyooday si ay usoo aasan,balse rag hubeysan ayaa la sheegay n mid ka mid ah Gawaarida Meydka siday ay rasaas ku furen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka  ayaa Dalsan u sheegay in Gaariga uu waday Wiil uu dhalay Xaaji Gaaboow islamarkaana ay wadeen meyd,islamarkaana mashaqadaan ay qabsatay xili ay marayeen halka loo yaqaano isbaarada Shabeelle.

Wararka hordhaca ah oo na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayn in ilaa iyo Lix ruux ay ku geeriyooden rasaastaas kuwaas oo dhamaantood ka tirsan Qoyska Reer Xaaji Gaaboow oo ahaa Qoyska leh Sarta Xaaji Gaaboow oo ku taalla degmada Dharkeenleey ee Gobolkaan Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa uu jiro dhaawaca 4 kale oo Gaariga la rasaaseeyay saarnaa kuwaas oo ahdalagu daweynayo mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media