Dhageyso:-lacagta Wadamada Itoobiya iyo Kenya oo laga isticmaalayo Gobolada qaar ee dalka

maalmihii la soo dhaafay qeybo ka mid ah dalka waxaa ka jiray xiisado ku aadan diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah taas oo keentay in deegaanada iyo degmooyinka ku teedsan xaduudaha ay Soomaaliya la wadaagto Dalalka aan dersika nahay laga istimaalo lacagta Wadamadaas.

Lacagta Birta Itoobiya iyo Shilinka dalka Kenya ayay dadku sicaadi ah u isticmaalayaan kadib markii la diiday lacagta shilinka Soomaaliga ah waxaana la isweeydiinayaa cida iskaleh masuuliyadaas.

Dr  C/Waaxid Cabdullaahi Warsame oo ku nool Gobolka Ohio ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in arintaasi ay tahay Nasiibdaro lagana doonayo in dadka Soomaaliyeed ay iyaga ilaashadaan lacagtooda.

sidoo kale waxa uu Masuuliyada arintaan dusha uga tuuray in ay leedhay dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana tani ay keeneyso Sicir barar.

Hoos Ka Dhageyso Codka Aqoonyahanka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media