Dhageyso:-laba Caruur ah oo ku dhintay War ay biyo ka cabayeen Gobalka Shabeellaha Dhexe

Wararka aan ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe qeybo ka mid ah ayaa waxa ay sheegayaan in War ku taalla tuulada Gumareey ay ku geeriyodeen laba Caruur oo doonayay in ay Biyo ka cabaan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ay Dalsan la xiriirtay ayaa sheegay in Wartaas oo ay buuxiyeen Roobab shalay ka da’ay tuuladaas ay labadaasi  Caruurta ah ku dhaceen.

Tuulada Gumareey oo dhanka Galbeed 7km u jirta degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababtay in Warta ku taalla ay ku geeriyoodaan laba Caruur ah oo Goob jooguhu Da’doodu uu ku sheegay 8 jir iyo 10 sano jir.

Ugu dambeyn mudo saacado ah oo meydkooda la raadinayay Caruurtaas la helay kadibna la’aasay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Goobjoogaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media