Dhageyso:-la taliyaha Madaxweynaha oo taageeray amarkii lagu joojiyay dhismaha Dhulka Biyaaso liibaro

Maalin ka hor ayaa Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxa lagu joojiyay dhismo ka socday Dhulka Biyaaso liibaro e degmada Xamar Jajab halkaas oo ay gacanta ku heyso Shirad dhanka Nadaafada ka Shaqeysa.

Arrintaas ayaa aheyd mid dhalisay xiisad Siyaasadeed oo lagu muransanaa Maamulka Gobolka Banaadir ee dhulkaasi bixisay Sida,Yuusuf Jimcaale iyo Taabit,waxana tallaabada joojinta dhulkaas ka hadlay Duqii hore ee Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Siyaasada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in ay qalad aheyd bixinta dhulkaas.

Waxa uu sheegay in dadkii dhulkaasi bixiyay ay ahaayeen dad dulmi waday,isla markaana uu soo dhaweynayo tallaabada dhulkaasi dhismihiisa uu ku joojiyay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Hoos Ka Dhageyso Codka la taliyaha dhanka Siyaasada ee Madaxweynaha ee Tarsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media