Dhageyso:-“Kuwa diidaya in hubka Sharci darada ah la aruuriyo waa Shabaab kale”Salaad Cali jeele

Siyaasiga Salaad Cali Jeele oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyed islamarkaana xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdihii dalka soomaray oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa ka hadlay hubka dhigista labadii todobaad ee la soo dhaafay  ay wadeen ciidamada loogu magac Xisilinta Amniga Muqdisho.

Siyaasi Salaad ayaa sheegay in uu aad u taageersan yahay hubka dhisigta ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu yahay qorsho lagu sugayo amniga loogana hortagayo kuwa mararka qaar amnidarada sameeyo oo ay kamid yihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa la weeydiiyay su’aal aheyd maadaama dowladda Soomaaliya ay bilaawday hubka dhistaas islamarkaana masuuliiyiinta qaarkood ay ku doodayaan in amnigooda aysan jirin cid damaanad qaadeysa ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Wasaaraa amniga ayaa arintaas u xil saaran iyada ayaana laga rabaa waxaadna dareemeysaa tan iyo markii Muqdisho laga bilaabay howlgalka hubka dhigista ah in amniga Muqdisho uu noqday mid soo hagaagay dowladdana waa mid ay mudo soo diyaarineysan in Al-Shabaab iyo cid walba oo amniga lidi ku ah lala dagaalamo ayuu yiri  Salaad Cali jeele”

Ugu dambeen waxa uu sheegay in uu maqlayay dad diidan in hubka laga dhigo islamarkaana mucaradsan qorshaha dowladda ay hubka waaweyn magaalada ugu aruurineyso ay yihiin Shabaab iyo Shabaab u eke.

Hoos Ka Dhageyso  Wareysiga

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media