Dhageyso:-Kulankii Baarlamaanka Galmudug oo baaqday iyo Xaaf oo laga codsaday in uu hortago

Maanta ayaa lagu waday in Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug uu ka dhaco kulan ay Xildhibaanada Galmudug yeeln lahaayeen kaas oo looga hadli lahaa arrimo dhowr ah.

Idaacadda Dalsan ayaa intaas kadib la xiriirtay Xildhibaan Caasho Beyraq oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug taa soo ka sheekeysay waxyaabihii baajiyay kulankaas iyo khilaafka soo kala dhexgalay madaxda Sare ee Maamulka Galmudug.

“Intii aan kulanka gelin ka hor ayaan aragnay dad dhigayay banaanbax ay ku taageerayan go’aankii Madaxweyne Xaaf sidaas darted ayaan u baajinay kulanka si aysan noogu arag in aan waxyaabo kale wadno maadaama banaanbaxoodu uu ahaa mid Nabadeed ayay tiri xildhibaanada”

Sidoo kale waxa ay sheegay in kulanka Maanta uu ahaa mid looga hadli lahaa arrimaha Garsoorka iyo sidoo kale dhaarinta xubno ka mid ah Golaha Wasiirada kuwaas oo aan weli la dhaarin.

Wariye Saleemaan Xaaji Axmed Raage oo Wareysanayay ayaa weeydiiyay Su’aal aheyd warar soo baxayay oo sheegayay in xildhibaanada qaar Albaabada Xarunta laga xirtay ayaa waxa ay ku jawaabtay.

“Adeer aniga ayaa meesha jooga fariimihii noosoo dhacayay ayaa ahaa in aan maanta ka hadalno Garsoorka iyo dhaarinta Wasiirada wayna jiraan ciidamo ku sugan Xarunta waxaana ka mid ah kuwa Amisom mana jirto cid naga celisay Xarunta aan ku shiri laheyn.

Gaba gabadii waxa ay ka hadashay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweynaha Galmudug iyo sidoo kale ku xigeenkiisa kuwaas oo isku khilaafay Go’aankii uu qaatay Madaxweyne Xaaf.

“Khilafkaas waa ay ku fududaadeen Madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha mana ahaan mid saas u buuraan ee waa mid aan anaga ku filanahay wana dhameyn doonaa, madaxweyne xaafna waxaan ka dalbaneynaa in uu na horkeenaa Go’aankii uu qaatay, sida Sharciga ah  ayay tiri xildhibaanad Caasho Beyraq.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Caasho Beyraq

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media