Dhageyso:-Kulan Xasaasi ah oo dhex maray Gudoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,oo shalay soo gaaray Magaalada muqdisho ayaa xalay kulan la qaatay xildhibaanada laabda Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Jawaari,ayaa Xildhibaanada la yeeshay kulan xog Wareysi ah,waxana sidoo kale uu kala hadlay Shaqooyinka adag ee Horyaalla Xubnaha Golaha Shacabka.

Xogheyaha guud ee Baarlamaanka Cabdikariin Buux,oo kulanka kadib Saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Maalinta Berito ah oo ku beegan 8/7/2017 uu Muqdisho ka furmi doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana Bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah ugala socon doonaan Tv-yada.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in kulanka Baarlamaanka uu Maalinta Berito ah furo,sida uu qabo dastuurka dalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xogheyaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media