Dhageyso:-Kulan Deg Deg ah oo ay Baladweyne ku yeesheen Maamulka G/Hiiraan iyo Ganacsatada Degmadaas

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa walaac ka muujiyay saameynta ay bulshada ku yeelatay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga taas oo maalmahaan ka taagneed inta badan Gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiran Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhamaan Shacabka iyo Ganacsatada intaba ay saameysay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah islamarkaana ay dhalisay Sicir barar.

Waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka hiiraan uu arintaasi kulan deg deg ah ka yeeshay islamarkaana haatan sidii hore wax iska bedeleen waxa uuna ugu baaqay Ganacsatada Baladweyne in ay dadka Masaakiinta ah u Naxariistaan islamarkaana lacagta Shilinka Soomaaliga ah ay qaataan.

Marka laga soo tago Baladweyne waxaa sidoo kale jira degmooyin ka tirsan dalka oo laga diidan yahay lacagta shilinka Soomaaliga taas oo keentay in ay dhacaan dibadbaxyo rabshado watay islamarkaana dadka ay istcimaalaan lacagta Wadamada aan deriska nahay sida Kenya iyo Itoobiya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Xuseen

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media