Dhageyso:-Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya oo si KMG ah loo hakiyey

Kulanka barlamaanka Soomaaliya oo uu shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta waxaa uu ku Saabsanaa Ajenda la xiriiray su aalo weydiin loogu balansanaa Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda soomaaliya, waxaana dalabaad kaga yimid gudiga Arimaha Bulshada ee Barlamaaka ay soo jeediyeen in dib loo dhigo su’aalo weydiinta Wasiirka.

Sababta loo joojiyey Ajandaha Su’aalo weeydiinta Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay dhameystirka Macluumaadka Wasaaradda Waxbarashada oo ay guddigu codsadeen in ay keeni doonaan kulamadda kale ee xiga

Sidoo kale waxaa kulankii maanta lagu go’aamiyay in maalmaha ka haray bisha barakeysan ee Ramadaan ay hakad galayaan kulumada barlamaanka golaha shacabka Soomaaliyeed sidoo kalena ay gudoonku soo sheegi doonaan xiliga ay si toos ah u furmayaan kulamada kadib bisha Ramadaan,

Markii la soo gaba gabeeyay kulankii maanta ayaa waxaa gudoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa Muudeey ay soo indha indheeyeen dayac tirka iyo dib u habeynta lagu sameynayo dhismaha golaha shacabka oo howlo dib u hagaajin ah lagu bilaabay markii la doortay, waxaana heer wanaagsan maraya dayactirka lagu sameynayo dhismaha barlamaanka waxaana la filayaa in dhawaan ay soo idlaan doonto howshaasi.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media