Dhageyso:-ku dhawaad 70 Xildhibaan oo saxiixay mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hir-Shabeelle

Markii ugu horeysay Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa waxa ay Warbaahinta ka sheegeen in ay saxiixeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare xilli ay horay u soo abxayeen nuxnuxn ku aadan mooshinkaas.

Madaxweyne  Waare oo  ka maqan Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ee Jowhar ayaa haatan ku sugan Magalada Baladweyne,waxaana xildhibaannada saxiixay mooshinka ay gaarayaan ilaa 66 Xildhibaan.

Xildhibaan Sharmaake Xasan Ganeey ayaa ka hadlay mooshinka ay ka wadaan Madaxweyne Waare iyo tirade mooshinka saxiixay.

“Waa diyaar mooshinkiisii saxiixiina wuu bilaaban yahay laakin in aan dhameystirno kooramkiisa waan ka gaabsanay oo halkaas ayaan ku ekeynay sababtaas ayan Hir-Shabeelle ugu hiilinay,haatan 66 Xildhibaan ayuu marayaa saxiixiisa mooshinka waxan idin sheegayaa in hadii meesha laga tuuro maaxweyne waare la heli doono aqoonyahano wax badan u qabta bulsahda Hir-Shabeelle ayuu yiri Xildhibaan Sharmaake Xasan Ganeey.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabduqaadir Abuukar Karaani oo ka mid ah xubnaha ku dhow dhow mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Hir-Shabelle ayaa isna waxa uu sheegay in uusan la socon mooshinka la sheegayo in laga wado Maamulka Hir-Shabeelle.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan oo uu jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi Cabdulle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media