Dhageyso:-Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay Nolosha ku qabteen Rag Shabaab ka tirsan oo weerar geystay

Maamulka Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in weerarkii shalay dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku qaadeen deegaanka goofgaduud Buurey kadib ay howlgal ku qabteen qaar ka mid ah Raggii weerarka soo qaaday.

Gudoomiyaha deegaanka  Goofgaduud Buureey Xuseen Wardheere Xasan ayaa Dalsan u sheegay in howlgal ay sameeyeen ay suurtagashay in ay ka dabatagaan ragii weerarka ku soo qaaday ayna ka soo daayaan Shan ruux oo u afduubnaa halka ay nolosha ku qabteen laba ka tirsan Shabaab iyo Mooto ay wateen sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ka maamul ahaan iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay siiwadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab inta ay ku sugan yihiin deegaano ka mid ah gobolka Baay.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa shalay aroortii waxa ay weerareen deeganada Goofgaduud Buurey iyo sidoo kale deegaanka deeynuunaay,waxa ayna sheegeen in ay deegaanka deeynuunaay ay la wareegeen wallow Maamulka Koonfur Galbeed ay warkaas beeniyeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media