Dhageyso:-Koonfur Galbeed oo ka hadashay Xildhibaanadii Garoonka Baydhabo lagu xanibay

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa mudo Saacado kooban ah lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaana arrintaasi ka hadlay isla Maamulka koonfur Galbee Soomaaliya.

La-taliyaha dhanka arimaha Bulshadda iyo Amniga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia C/laahi Idiriss Leesto oo shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa raali gelin ka bixiyay falkaas waxa uuna sheegay in ay aad uga xunyihiin isla markaana aysan mardambe soo laaban doonin.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay xaalada dejiyaan isla markaana aan kor loo qaad qaadin.

Xildhibaanada oo ka tegay Muqdisho ayaa waxa ay qaarkood horay u sheegeen in ay mooshin ka gudbinayaan Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbee Shariif Xasab Sheekh Aadan,kadib markii uu furmo kulanka Baarlamaanka Maamulkaas 22 Bishaan.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media