Dhageyso:-Khilaafkii ka dhashay Magacaabista Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo la xaliyay

Weli Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa ka socda kulamo wadatashi ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaanada si loo soo Magacaabo Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle.

Xildhibaanada iyo Madaxweyne Waare ayaa isku khilafsanaa in xildhibanada laga soo dhex xulo Wasiirada halka Madaxweyne Waare uu shaaciyay in uu banaanka ka keenayo Wasiirada.

Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim oo ka mid ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in wadahadalkii u dhaxeeyay xildhibaanada iyo Madaxweynaha ay wax wanagsan ka soo baxeen.

Waxa uu sheegay in kulankii ugu dambeeyay la isku afgartay in Madaxweyne Waare uu awood u leeyahay in halkii uu doono uu xildhibanada ka soo xuli karo hadii uu banaanka ka keeno iyo hadii xildhibaanada uu ka soo dhex saaro intaba.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka.    

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media