Dhageyso:- Kheyre”isla xisaabtanka Wasaaradaha ayaa keeni karta in Bulshadu Cadaalad hesho”

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dalkeena horumarkiisa ay qeyb weyn ka qaadan karto in wax la baro Caruurteena Soomaaliyeed taasna ay ka qeyb qaadan karto Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Waxbarashadu ay tahay waxa kaliya ee aan kul tartami karo Aduunyada inteeda kale taas bedelkeedana Wasaaaarda Waxbarashada laga doonayo in sicadaalada ah ay Bulshada ugu Shqeyso.

Sidoo kale isagoo sii hadlayayay ayaa waxa uu sheegay in la xisaabtanka ay dowladdu wado ay qeyb ka tahay waxqabadka wasaaradaha kala duwan ee dowaldda taas oo sahli karta in Shacabka ay dareemaan in iyagu ay yihiin dowladda.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu sheegay xili shalay uu Muqdisho uga qeybgalay Munaasabad lagu furayay Xaruntii Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo dib u dayactir lagu sameeyay.

Hoos ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media