Dhageyso:-Kheyre oo ka hadlay Isku-Shaandheyn la sheegay in uu ku sameynayo Xukuumaddiisa

Dhawaan waxaa soo baxayay,isla markaana Baraha Bulshada ay isticmaasho lagu baahinayay in ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre uu qorsheeyay in uu isku-Shaandheyn ku sameynayo Golihiisa Wasiirada balse uu arinkaas ka hadlay.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabayay Su’aal lagu weeydiiyay kulan xalay ka dhacay Xafiiskiisa ayaa sheegay in uu isagu ka warqabin Isku-Shandheyntaas,isla markaana ay tahay mid aan waxba ka jirin.

“Adiga ayaan kaa maqlaa Isku-Shaandheyntaas,waxaan kuu sheegayaa in aysan waxba ka jirin mida kale Xukuumaddeydu wax ka yar lix bilood ayay jirtaa,qorshuhuna waxa uu yahay in aan kula xisaabtamo Shaqooyinkii ay qabteen mana jirto wax Isku-Shaandheyn ah ayuu yiri ra’iisul Wasaare Kheyre”

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media