Dhageyso:-Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Duleedka Degmada Afgooye

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday fariisimo Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Cadow Dibille oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa la tilmaamayaa in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-shabaab oo dagaalka ka hadashay ayaa sheegtay in dagaalka  ay qaadeen Ciidamadooda Qasaarana ay ku gaarsiyeen sida ay sheegeen isbaaro Ciidamada Dowlada u tiilay deegaanka Cadow Dibille  oo dadka shacabka lagu dhibateynayay sida ay hadalka u dhigeen.

Lama Xaqiiji karo Qasaaraha rasmiga ee soo kala gaaray dhinac yadii halkaa ku dagaalamay, walina Dowlada Soomaliya kama aysan hadlin dagaalka maanta ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo maalmihii dambe Gobolka uu ka jiray dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab oo weeraro ku soo qaaday.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta uu Afgooye ka soo diray Wariyaheena Maxamed Cusmaan Ma’da.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media